|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Cutubyo ka tirsan ciidamada DFKMG ah ee soomaaliya Gaar ahaan kuwooda lagu soo tawabaray dalka itoobiya ayaa maata xarax lala beegsaday kadib markii ay gudaha u galeen suuqa towfiiq xili la sheegay in halkaasi ay ka sameynayeen howlgalo ama ay baadi goon ku ahaayeeen xoogaga hubeysan ee ka soo horjeeda hanaana siyaasadeed ee Dowladda Federaaka KMG ah ee Soomaaliya.
Qaraxa lala beegsaday Ciidamada ayaa waxaa uu aha miino nooca rimuudka lagu hago inta la ogyahayna waxaa kaga dhaawacanta ciidamada 2 askari oo ciidamadii gudaha suuqa ku sugnaa ah .
Intaasi ka dib ciidamadu waxay fureen tacshiirad xoogan taas oo dhalisay in uu ku dhawacmo nin rajid ah oo isagu goobtaasi ku sugnaa.
Qaraxan aya waxaa uu yahay midkii labaad oo 2maalin oo isku xigta ka qarxo gudaha suuqaasi waxaana iminka aan la ogeyn sababta rasmiga ah ee gudaha suuqaasi ay miinooyinka uga qarxayaan .
Sikastaba ha noqotee waxaa mudooyinkii dambe soo laalaabanayay amni xumada laga dareemayo suuqa Towfiiq ayadoo mudooyinkii ugu dambeeyay aad moodeysay in suuqa uu ganacsigiisu isasootarayo hase yeeshee waxaa muqata in qaraxyo is xig xiga ay ka dhacayaan .
Dhanka kale ciidamada dowlada Itoobiya ayaa maanta sameeyay howlgalo baaritaan oo ay ku baadi goobayeen kooxo sakay weerar ku sooqaaday kuwaas oo la sheegay in ay u baxsadeen dhinacaa iyo qabuuraha albarakaad .
Ciidamada yaa waxay tageen qabuuraha Albarakaad Jaamacada Muqdisho Suuqa Kulmiye iyo wadada jayga ah ee isuxigaan isbitalka Alcarafaad waxyna ka sameeyeen howlgal baaxadleh waxayna isku dheeririyeen wadada dheer ee warshadaha ilaa warshada Bastada ilaa iyo weliba Isbitalka Alcarafaad. .
Cidiamada howlgalkaasi ayaa waxaa la sheegay in ay ku soo qabqabteen ilaa iyo dad gaaraya 3 Qof hase ahaatee ciidamada waxay ku toogteen agagaarka isbitalka Alcarafaad 1 Qof oo ka mid ahaa dadka Deeganka kaas oo la sheegay in uu diiday awaamir ay ciidamadu siiyeen asagoo sida lasheegay laga celiyay Masjid kuyaala halkaasi.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidamadu howlgal ka sameeyaan xaafadahaasi waxaana mudooyinkii udambeeyay soo laalaabanayay ciidamada Itoobiya markii weerar lagu sooqaado in halkaasi ay howlgalo ka sameeyaan .
|